Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay labo qof oo shacab ah xalay ay ku dileen deegaanka Yaaqbari-weyne ee gobolkaasi.
Sababta ka dambeysay dilka labada qof ayaa waxaa lagu sheegay in ay salka ku hayso aano qabiil, sida aysheegeen dadka deegaanka.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay waxgaradka iyo maamulka gobolka shabeellaha Hoose oo ku aadan dhacdadaasi.