Kooxo hubeysan oo dil ka geystay magaalada Muqdisho

55

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil magaalada Muqdisho loo geystay Allaha u naxariistee, Xidigle Buulle Xuseen oo ka mid ahaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in ay toogasho ku dileen kooxo ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas goobta ka baxsaday

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ka mid ahaa saraakiisha ciidamada ammaanka u xil saarnaa sugida amniga xarunta golaha shacabka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo meydka marxuumka ka qaaday halkaasi.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro dilal iyo qaraxyo intaba.