Kooxo Hubeysan Oo Weeraray Guriga Taliye Ka Tirsan Booliiska Puntland

63

Wararka aan ka heleyno Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas uu ka dhacay weerar lagu qaaday Guriga uu degan yahay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalkaas ee Puntland.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Guriga Taliye G/dhexe Bashiir Aw-cali oo ku yaalla Xaafada Horseed ee Badhan, waxaana xiligaas la xusay in Taliyaha uu ka maqnaa Gurigiisa.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in iska horimaad daqiiqado kooban socday uu dhexmaray ragga weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Sanaag, in kastoo uusan jirin khasaaro ka dhashay weerarka.

Raggii hubeysnaa ayaa durbo ka baxsaday Xaafada Horseed, waxaana intaas kadib xaaladda ay kusoo noqotay sidii marka hore ay aheyd, sida ay sheegeen dadka deegaanka Magaalada.

Taliye G/dhexe Bashiir Aw-cali iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Puntland ayaa goor-dambe gaaray Guriga, waxaana Ciidanka la sheegayaan in Xaafadaha kala duwan ee Badhan ay ka wadaan howlgalo lagu raadinayo ragii weerarka fuliyay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Gobolka Sanaag iyo Maamulka Badhan oo ay uga hadlayaan weerarkii xalay lagu qaaday Guriga uu halkaas ka degan yahay Taliyaha Qeybta Booliska G/dhaxe Bashiir Aw-cali.