Ku dhawaad 10 ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay dalka Pakistan

30

ilaa iyo todobo ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen qarax lala eegtay iskuul lagu barto diinta islaamka oo ku yaala magaalada Peshawar ee waqooyiga galbeed ee wadanka Pakistan

sidoo kale ayaa waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay 109  ruux oo badankood ahaa caruur halkaasi ka dhiganeysay diinta islaamka sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan booliiska

goobta la weeraray oo isagu jirta masaajid lagu cibaadeysto iyo qayb lagu barto diinta ayaa waxaa la sheegay in looga dhex tagay bac lagu qariyey walxaha qarxa kadibna halkaasi ku qaraxday

booliiska magaalada Peshawar ayaa wada baaritaano la xiriirta dadka ku lugta lahaa weerarkaasi qasaaraha badan geystay,iyadoo aysan weli jirin koox sheegatay mas,uuliyadda qaraxaasi