Ku dhawaad 20 ruux oo ku geeriyootay qarax ka dhacay dalka Afghanistan

38

Ugu yaraan 18 ruux ayaa la xaqiijiyeen in ay ku dhinteen qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarun waxbarasho oo ku taala magaalada Kabul ee caasimada Afghanistan

Qaraxa oo sidoo kale sababay dhaawaca dad badan ayaa ka dhacay banaanka hore ee dugsigaasi sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dowladda

Afhayeen u hadlay wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegay in qofka isqarxiyey uu isku dayey in gudaha u galo dhismaha xarunta waxbarasho balse ay ka hortageen ciidamada amniga

Weerarkaasi qasaaraha badan geystay ayaa ka dhacay deegaan ay ku badan yihiin dadka shiicada ah ee tirada yar,iyadoo lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay ururka daachis.