Kulamo Gaar gaar ah oo ka socda magaalada Dhuusamareeb

27

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi ka dhaceen kulamo hoose ay lahaayeen Madaxda dowlada federaalka iyo madaxda maamulada qaar.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Dhuusimareeb ayaa xalay kulamo la qaatay qaar kamid ah masuuliyiinta dowlada ee magaaladaasi ku sugnaa iyo madaxda maamulada qaar.

Kulamada  ayaa intooda badan looga hadlayay shirka la filayo in uu ka dhaco magaalada Dhuusomareeb ay isugu imaanayaan Madaxda dowlada fedeeaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo doorka Madaxtooyada ku yeelaneyso shirkaasi.