Kulamo Siyaasadeed oo ka socda Nairobi.

27

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka billawday olole xoog leh oo lagu wajahayo doorashada Soomaaliya, waxaana halkaas ku sugan siyaasiyiin miisaan leh oo u hanqal taagaya hoggaanka dalka.

Nairobi ayaa caan ku ah in siyaasiyiinta Soomaalidu ay ololahooda ka soo bilaabaan xilli doorasho kasta oo ay Soomaaliya aadeyso, waxaana lagu xasuustaa in doorashadii u dambeysay ee 2016-kii ay ololahooda ka soo bilaabeen musharaxiin badan oo uu ku jiray Madaxweynaha haatan Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Kulamada badankooda waxa la filayaa in ay noqdaan kuwa qarsoon oo aan la shaacin, inkastoo laga yaabo in qaarkood la shaaciyo.

Waxaa halkaas lagu lafa-gurayaa sidii siyaasiyiintaasi ay is bedel uga sameyn lahaayeen siyaasadda Soomaaliya, xilli doorashada 2020/2021-ka, waxaana la sheegay inuu horay u jiray xiriir iyo is-xulufeysi ka dhaxeeyay madaxda qaar.

Dad qaar ayaa waxa ay qabaan in kulamada Halkaasi ka socdo in  ay ka wanaagsanan laheyd in dalka gudahiisa ay ku qabsaaan kulamada siyaasadeed  madama  dalka uu hadda gelayo olole doorasho

Xildhibaan Hore  Cabdi Barre jabriil waxa uu ka mid  yahay siyaasinta soomaaliyed waxa uu isaga qabaa in  ay isku mid tahay hadii muqdisho ay ku kulmaan ama Nairbi waxana uu sheegay in  kaliya  looga hadlayo sidii isbadal Siyaaseed  wadanka uu u gelilahaa.

Cabdi Barre jabriil ayaa waxa uu tilmaamay in kulamda ka dhacaya  Nairobi in ay  yihin kuwa iska caadi ah madaxduna ay dalka dib ugu soo noqon doonto si ay kulamda uga dhacaan  magaalda Muqdisho

Saacaddihii ugu dambeeyay Magaalada Nairobi waxaa ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray, Madaxda maamul goboleedyadda iyo Beesha Caalamka.

Caddaadis ballaaran ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kala kulmeysa kulmado ka socdo Nairobi xilli horay Siyaasiyiin ku shiray Nairobi ay u sheegeen in dowladda Soomaaliya ee hadda jirtaa ay ku fashilantay Sugitaanka Amniga dalka.