Kulamo u dhaxeeya Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka socda Dhuusamareeb

168

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Hirshabelle ayaa  kulan qado ah uu ugu sameeyay Madaxweynaha Galmudug kaga qayb galaya Beerta Nasashada ee Magaalada Dhuusamareeb.

Marti-Soorkan ayaa qayb ka ah soo dhoweynada reer Dhuusamareeeb u muujinayaan martida iyo madaxda dowlad Goboleedyada,waxaana sidoo kale ay yeelanayaan kulamo gaar gaar ah.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa aad loo adkeeyay,waxaana la filayaa inay dhawaan tagaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

xalay ayeye war saxaafadeed soo saareen madaxda maamul goboleedka ka gadaal markii ay mudo laba maalin shir uga socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug