Kulan ay ka qeybgaleen Dowlad Goboledyada & Dowlada Dhexe oo Muqdisho ka dhacay.

29


Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen xubno sare oo matalayey Dawladda Federaalka, Dawlad-gobolleedyada dalka iyo gobolka Banaadir,ayaa la dhacay magaalada Muqdisho

Ujeeddada kulankaan ayaa ah mid ku saleysan fahan qoto dheer oo laga helo siyaasadda Ilaalinta Bulshada, lana gaarsiiyo dhammaan Bulshada qeybaheeda kala duwan .

Xubnihii ka socday Dowlad goboleedyada ayaa waxaa ay kulanka ka soo jeediyeen muhiimada uu leeyahay shir nuucan oo kale ah .

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax oo kulankaan maanta daahfuray ayaa sheegay inuu diiradda la saarayo sidii guul looga gaari lahaa hayaanka dhimista saboolnimada iyo koritaan loo siman yahay.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay bishii July ee sannadkii 2019, siyaasadda Ilaalinta bulshada oo ay hoggaamiso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha  Bulshada, waxaana qeyb ka ah siyaasadda in lagu dhimo saboolnimada, i

Kulankaan ayaa la filayaa in ay ka soo baxay in lagu guuleystay ku dhawaad 1.2 milyan oo bulshada nugul ah inay taageerro dhaqaale ka helaan barnaamijka Baxnaano ee qeybta ka ah siyaasaddan.