Kulan dhex Maray ganacsada Beydhabo iyo Wasaaradda Batroolka KGS

46

Kulan u dhexeeya Ganacsatada Shidaalka Magaalada Baydhabo ee xaruunat Gobolka bay iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimayaha Guud ee Wasaaradd Batroolka iyo Macdanta iyo sidoo kale Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyada iyo Ganacsiga, qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Batroolka, iyo Ganacsatada Shidaalka ee Magaalada Baydhabo ganacsatada shidaalka ee Magaalada Beydhabo .

Shirkan waxaa looga hadlay sidii loo unki lahaa wadashaqeyn buuxda oo dhex marta Ganacsatada Bahda Shidaalka iyo Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaar kamid ah ganacsatada oo Kulanka ka hadlaya ayaa waxa ay sheegeyn in la shaqeyn doonan wasaradda iyadoo loo marayo nidaamka dowliga ah .

Dhinaca kale agaasimayasha wasaaraddaha Ganacsiga Maaliyadda iyo tan Batroolka ayaa waxa ay dhamaantood ay Tilmaamay in ganacsatada Magaalada Beydhabo Looga Baahanyahay in ay bixiyaan Canashuuraha Ku waajibay isla markana la sameeyo nidaamkii loo unki lahaa wadashaqeyn buuxda oo dhex marta Ganacsatada Bahda Shidaalka iibisa iyo Maamulka Koonfur galbed oo ka ganacsiindoono siidi arrimahaasi loo Fuduudeyn lahaa .

Shirkaan ayaa intii uu socday ayaa waxaa Diiradda lagu saaray in laga wada shaqeeyo siidi loo heli lahaa Wada shaqeyn dhex marta labadda dhinac.