Kulan Dhexmaray Saraakiisha Sirdoonka wadamada Somalia Itoobiya & Eritrea

42

Taliyaasha Sirdoonada wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir uga socda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Wararka la helay ayaa tilmaamay in Shirkan uu ku soo beegmay kadib booqashadii todobaadkii hore Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eriterea iyo booqasho kedis ah oo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ku tagay dalka Itoobiya todobaadkaan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saddexda dal oo faahfaahinaya kulanka ay saddexda mas’uul ee ugu sareeya sirdoonka wadamadooda ay ku leeyihiin magaalada Addis Ababa.

Ilo madax banan ayaa sheegay in Siyaasiyiin badan ay shaki ka muujiyay in kulanka u socda Madaxda Sirdoonka saddexda wadan in looga hadlayo arrimaha doorashada Soomaaliya, maadaama madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo is xulufsi dhanka siyaasadeed ah.