kulan diiraada lagu saarayay Amniga degaannada Koonfur Galbeed oo Beydhabo ka dhacay .

38

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad  goboleedka Koonfur galbeed Amb Dr. Cali Saciid Faqi ayaa maanta  Shir Guddoomiyay shirka  todobaad laha ee Amniga DeeganadaMaamulkaas.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galey Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ,Guddoomiyaha Maxkamada  Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ,iyo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed iyo madax kale.

Kulanka  ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida qeybahooda kala duwan, iyaga oo ka warbixiyay xaalada amni ee degaannada Koonfur Galbeed iyo howlgalladii ay fuliyeen Ciidamada Dowladda & kuwa Koonfur Galbeed.

Sarkaashiisha laamaha Amniga ee ka howlgalla degaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay shirka ka sheegeen inay xoojin doonaan  sugida Amaanka Deeganada Koonfur Galbeed.

Gabaga gabada kulankan ayaa waxa laga soo saaray go’aano wax looga qabanayo amaanka guud ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya .