Kulan Looga Hadlay La-Dagaalanka Al-Shabaab Oo Ka Dhacay Dirirdhabe

29

Magaalada Dirirdhaba ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay kulan looga hadlay xaaladda amniga ee bariga Itoobiya iyo la-dagaalanka Al-shabaab.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen hay’addaha amniga dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa kala deegaanada Soomaalida, Oromada iyo Canfarta ayaa lagu gorfeeyay sida lagu xaqiijin karo amniga deegaanadaas.