kulan Muhiim Ah Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho

28

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukumadda Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdusho ka daah furtay kulan wadatashi oo ku saabsan abuurista xarunta macluumaadka ee loo yaqaano (resource centre) ee arrimaha dhab-u-heshiinta iyo federaalka dalka

Kulankaan  waxaa soo qaban qaabisay  wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib-u-hishiisiinta ee dowladda Soomaaliya.

Kulankan  ayaa ah mid  laga tala galinaayo khubarada, ururada bulshada rayidka ah iyo hay’adaha waayo-aragnimada u leh arrimaha nabadda iyo dowladnimada.

Shirkaan  oo socon doono mudo laba cisho  ayaa lagu falanqeen doona sida ugu haboon ee loo unki karo xarun lagu kaydiyo laguna fidiyo aqoonta , macluumaadka iyo khibradda la xiriirta arrimaha nabadda, dhab-u-heshiinta iyo federaalka,

Sidoo kale shirkan ayaa waxa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka socota Maamul Goboledyadda dalka kuwaasi oo lagu marti qaaday .