Kulan Su’aalo weydiin Bulsho oo lagu qabtay Berdaale

33

Kulanka loogu hadlayey wadahadalka iyo isla xisaabtanka bulshada degmada Berdaale iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa lagu qabtay Degmada Berdaale,

Kulanka doodiisa oo ay ka qeybgalayeen wasiirada Arrimaha gudaha,Waxbarashada,Caafimaadka,warfaafinta,guddoomiyaha gobolka guddoomiyaha degmada iyo qeybaha kala duwan ee magaalada,

Kulanka ayaa waxaa su’aalo lagu waydiyey wasiiradda ka qeybgalay oo bulshada degmada ay weydiyeen sida loogu heli karo adeegyadda dadweynaha kuwaasi oo degmada hore aan u helin Ayadoona bulshada loo sheegay in hada lasoo gaarsiiyey mashaaricyo waxtar u leh oo ay kamid yihiin.
Caafimaadka,waxbarashada,hergalinta leerarka cadceeda ku shaqeeya iyo dhismaha xaruumaha dowlada oo ugu horeyso xafiiska maamulka degmada iyo goobo kale,

Mas’uuliyiintii ka socotay wasaaradaha kala duwan ee KGS ayaa waxaa ay balan qaadeyn in ay wax ka qaban doonan baahiyaha la jira deegaanka.