Kulan wada tashi ah oo ay wada qaateen Wasiirka warfaafinta iyo saxaafadda Madaxbanaan

41

Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukumada federalka soomaaliya ayaa kulan la qataay qeybaha kal duwan ee warbaahinta ka howl gasho dalka.

Kulankaan ayaa Waxa Uu ahaa Soo dhaweyn iyo talo  soo jeedin ay saxaafadda u sameysay wasiirka cusub wasaaradda warfaafinta xukumadda federalka soomaaliya  Cusmaan Dube .

Waxaa ka soo qeyb galay madaxda ururada warbaahin maamulayaal wariyaal iyo madax kale oo ka socotay xafiisyada dowladda oo ay kamidka ahaayeen xafiiska madaxweynaha Ra’iisul wasaaraha maamulka gobolka banaadir iyo saraakiil ciidan

Munaasabadda oo soo dhaweynta  ayaa wariyaashii ka hadlay waxa ay wasiirka u dardaar wariyeen in wax laga qabto Cashada tacadiyada wariyaasha ay la kulmaan iyo in uu dib u eegis ku sameeyo xeerka safaadda ee dhaqan galka ah.

Gen. Zakiyo Xusen oo ah kuxigeenka taliyaha ciidanka booliska soomaaliya ayaa  Wariyaasha ku eedeysay wariyaasha in ay tabiyaan  warar aan saxneyn waxeyna dalbatay in wax ka badel lagu sameeyo hab dhaqameedka wariyaasha oo qaarkood ay ku tilmaamtay kuwa  loogu magac daray bac ka sii

Wasiirka wasaaradda warfaafinta  oo gaba gabadii kulanka soo xiray aayaa sheegay in saxaafadda ay dhisida dalka muhiim u tahay waxana uu sheegay in ay  wadaan qorsho  ay  ku doonayaan in ay mideyaan  amniga dalka iyo warka xiisaha leh.