Kulan xasaasi ah oo ka socda xarunta Aqalka Sare + Sawirro

28

Waxaa haatan xarunta Aqalka Sare ka socda kulan u dhexeeya Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo guddoonka sare ee Golahaaasi.

Kulanka oo goor dhow billowday ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020 illaa 2021-ka.

Waxaa sidoo kale la filayaa shirka kadib in Madaxweynaha Jubbaland uu ka qeyb-galo kulanka Aqalka Sare ee maanta, kaas oo su’aallo ay ku weydiin doonaan Senatorada.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale khudbad ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare , taas oo uu uga hadli doono arrimaha Jubbaland, xaalada dalka iyo safarkiisa.