Kulanka Golaha Shacabka Oo Furmay Iyo RW Rooble Oo Khudbad Jeedinaya

24

Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedku ka dhammaaday.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Warbixin uu Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble u jeedin doono Golaha, isagoona uga hadli doona waxqabadka 100-kii maalmood ee Xukuumadda iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.