Kulanka Golaha Shacabka Oo goordhaw Furmay

21

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa ka furmay kulanka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhinta 3-aad ee wax kabadelka sharciga waxbarashada heerka 1aad, 2aad iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Warbixin ku aadan wax qabadka 100 maalmood ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.