Kusimaha Madaxweynaha ahna Gud.Golaha Wakiilada DGKGS oo booqasho ku tagey Maxkamadda sare iyo Xabsiga dhexe Baydhabo.

32

Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka KGS Amb. Dr .Ali Said Faqi ayaa  Maanta Kormeer ku tagey  xarunta Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ujeedka booqashadaan ayaa ah Si uu ugu kuura-galo   adeegyada  Hay’daha garsoorka  Magaalada Baydhabo ,ay bixiyaan iyo shaqada ay u qabtaan shacabak reer koonfur Galbeed Soomaaliya .

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Koonfur Galbeed Axmed Cali Muuse ayaa soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamanka .

Amb. Dr .Ali Said Faqi ayaa u kuura galey sida ay u shaqey nayaan  Qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Maxkamadda sare ee Dowlad Goboleedak Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gudoomiyaha ayaa  mid-mid u galey qeybaha kala duwan Xafiisyada ay ka kooban tahay maxkamadda , wuxuna warbixino ka dhageystey Gudoomiyaha Maxkamada sare, Xeer ilaaliyaasha ,iyo Garsooriyaasha Maxkamadda .

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Dr. Ali Faqi ayaa Shir La qaatey Bahada garsoorka Maxkamada sare,isagoona  kula dar-daarmey  inay bulshada si daacad ah ugu adeegaan  si looga dhabeeyo Ballan  qaadkii Madaxweynaha DGKGS Mudane Abdiasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ahaa in sidii Bulshada Koonfur Galbeed ay u heli lahaayeen Cadaalad loo dhan yahay.

Marka laga soo tago Booqashada Maxkamadda sare Gudoomiyaha Baarlamaanka wuxuu sidoo kale kormeer xabsiga dhexe ee magaaalada Baydhabo si uu ugu kuura-galo Xaaladda Nololeed ee Maxaabiista .