Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ahna Guddoomiyaha Golaha wakiilada KG Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa xalay Casho Sharaf iyo Sogootin usameeyay Guddiga loo soo Xilsaarey Imtixaanaadka Shahaadiga dugsiga sare
Gudigaan loo xil saaray imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee Wasaradda Waxbarashada ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ee Deeganada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay shaqadooda u soo guteen si wanaagsan sida uu sheegay gudoomiyaha golaha wakiilada KGS
Casho sharafta uu sameeyey mudane Ali Said Faqi Sido Kale waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Koonfur Galbeed waxayna eheed mid lagu dhiiri galinayey dhaman dadkii ka soo qeeyb qaatay habsami u socodka Imtixaankii shalay la soo gabagabeyey
HALLAAN KA DAAWO SAWIRADA




