Kusimaha Madaxweynaha Dowlad KGS oo Maanta Shir Gudoomiyay Kulanka Amniga.+SAWIRRO

25

Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada  Amb.Dr. Ali Said Faqi  ayaa Maanta gudoomiyay Shirka Golaha Amniga koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka waxaa ka soo qeyb galey ,wasiirka Amniga KGS , Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida, Wakiilka Qarmada midoobey KG iyo Sarakiil ka kala socdey  Dowladda UK iyo AMISOM.

Si loo xoojiyo Howlgalada ka dhanka ah ee lagu baacsanayo Nabadiidka Al shabaab ayaa inta badan shirka  looga Hadley.

waxaana warbixino laga dhageystey saraakiishada ciidamada qeyba hooda kala duwan iyo wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka KGS Mudane Isxaaq Ali Subug.

Shirkan oo isbuuciiba Mar la qabto ayaa waxaa looga arinsanayay Arrimaha Amaanka deeganada koonfur Galbeed, iyo Sidii Kooxda nabadiidka Al Shabaab looga sifeyn lahaa Deeganada ay ku dhuumaaleysa-nayaan ,iyo furida wadooyinka xeran ee ka tirsan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Ugu dambeyntii Shirkan ayaa waxaa lagu go’aamiyay in wax laga qabto Xaalada amaan iyo dardare gelinta Howlaha dagaalka ka dhanka Alshabab.

HALAKN KA DAAWO SAWIRADDA