La-Taliyihii Gaarka Ahaa Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia Oo Is Casilay

53

la-taliyihii gaarka ahaa ee Xariiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xariir Baaruud ayaa shaaciyay inuu iska casilay  shaqadii uu ka haayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya .

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu sheegay in intii uu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha joogay inuu wax badan bartay.

Cabdi Xariir ayaan ka hadlin sababta uu shaqada uga tegay,marka laga soot ago inuu shaqada iska daayay oo kaliya

Cabdi Xariir Baaruud oo kamid ahaa xubnihii sida gaarka ula shaqeynayay Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu Macsalaameeyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana uu gebi ahaan shaqada isaga tegay.

Cabdi Xariir ayaa kamid ahaa La-taliyeyaashii la shaqeynayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Kheye, kaasi oo Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay Codka kalsoonida kala noqdeen.