Laamaha Amaanka Kismaay oo so qabtay xubno ka tirsan Shabkadaha ka ganacsado Carruurta yaryar

307

Ciidamada Booliska Magaalada  Kismaayo ayaa shalay  Duleedka Magaalada kasoo qabtay Haweeney ka tirsan Shabkadd ka Ganacsado Caruurta taas oo xiligga lasoo qabanayay wadatay ilmo yar oo ay soo xada.

Haweenaydaan ayaa  magaceeda lagu sheegay Samiira Xasan Maxamuud oo Booliska baritaano ku sameyeen

Haweeneydaan  ayaa sheegtay inay ka tirsaneed Shabkaddaha ka Ganacsada Carruurta yar yare ee laga xado Magaalada Kismaayo .

Sidoo kale Haweneydan ayaa waxa ay sheegtay in lacag  loo balanqaaday hadii ay caruur yar yar ay soo xado .

Taliyaha Saldhigga Dhexe ee Degmada Kismaayo  Gaashaanle Warsame Axmed Geele oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Saldhigga Booliska Xaafadda Midnimo lasoo gaarsiiyay kiis ah Wiil yar oo la xaday.

Sido kale Taliyaha Saldhiga Kismaayo ayaa  sheegay in Ciidamada Booliska oo kaa shanaya shacabka ay soo qabteen Haweeney wadatay Wiilka islamrkaana lagga soo qabtay meel 5 kiilo mitir u jirto Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Ka Ganacsiga Carruurta ayaa wayihii danbe waxa uu aad ugu soo badanayay Bartahamaha iyo Koonfurta wadanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah dadka ka ganacsada caruurta ayaa waxa lagu qabtay Meelo kala duwan oo Ka mid ah dalka