Laamaha Ammaanka Oo Saakay Fashiliyay Qarax Lagu Aasay Goob

32

Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas ayaa saakay fashiliyay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ah oo la sheegay in la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo.

Saraakiil ka tirsan Booliska Galmudug ayaa tilmaamay in qaraxaas miinada ahaa la geliyay Bar koontarool oo ay Ciidanka ammaanka Maamulka ay ku leeyihin gudaha Magaalada.