Saturday, September 25, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Laamaha amniga oo fuliyay howlgal lagu soo qabtay Rag burcad ah

Laamaha amniga oo fuliyay howlgal lagu soo qabtay Rag burcad ah

44

Ciidanka Booliska iyo kuwa Nabadsugida Maamulka Galmudug ayaa habeenkii aheyd howlgal ka sameeyay inta badan xaafaddaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas, waxaana laga helayaa faah faahino.

Ciidanka Maamulka ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay xaafadaha Waaberi iyo Horseed oo ay dhac ka geysteen kooxo ku hubeysan tooreeyo, waxaana howlgalka lagu soo qabtay soo qabtay dad looga shakiyay falal amni darro ah.

Sidoo kale inta uu howlgalka socday ayey Ciidanka Booliska ku qabteen rag watay hub sharci darro ah oo kal hore laga mamnuucay ku waadashada gudaha Magaalada, kuwaasi oo haatan baaritaano ku wadaan Ciidamada Booliska.