Laamaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysan jiray

34

Ciidamada Booliska ka howlgalla degmada Degmada Deeyniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen Koox Burcad ah oo dadka dhac u geysan jiray.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Aargada degmada Deeyniile, isla markaana raga Burcadda ah oo saddex gaaraya la qabtay xilli ay dhac ka geysteen Xaafadda Waaxda Halgan ee degmada Deeyniile.

Guddoomiyaha Waaxda Halgan ee Degmada Dayniile Cabdullaahi Cumar Axmed  Biibaaye ayaa sheegay in Burcadan oo gaarayay ilaa Saddex Nin oo watay Mooto bajaaj iyo qoray AK-47 ah maalmihii la soo dhaafay ay dhac xoogan ka geysanayeen xaafadaha degmada Deeyniile.

Qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadr ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay isku-dhacyo u dhaxeeyay Ciidamada Ammaanka iyo kooxo Burcad ah oo dadka Shacabka ah dhac u geysanayay.