Laamaha Amniga Oo Wada Howlgal Lagu Raadinayo Rag Dilal Geystay

23

Howlgalka uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Matabaan Dhamme C/fitaax Fooneeye ayaa waxaa uu ujeedkiisa yahay sidii gacanta lagu soo dhigi lahaa rag hubeysan oo maleeshiyaad oo dilal geystay.

Taliye Fooneeye ayaa waxaa uu sheegay in laamaha amniga howlgalka ay ku raadinayan raga hubeysan oo maalmihii lasoo dhaafay dilal qorheysan iyo weeraro ka geystay gudaha iyo degmada Matabaan ee Hiiraan, kuwaasi oo la xiriiray aanooyin qabiil.