Lafta Gareen oo dalbaday in la caawiyo dadka uu ku fatahay Wabiga Shabeele

156

Madaxweynaha Koofur galbeed oo ku sugan magalaada dhuusamreeb ee caasimada Galmudug ayaa ka hadlay xaalada xun ee kajirta Degmada Afgooye ee Gobolka shabeelada Hoose halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay uu ku fatahay wabiga Shabeele waxaan fatahaadaasi ay sbabatay in ay dad badan ay guryohooda kabara kacaan

Madaxweyne lafta gareen ayaa sheegay in lix kun iyo sideed boqol oo qoys ay ku barakaceen fatahaadda gobolka Shabeellada hoose isagoo ku baaqay in loo gurmado dadkaas.

Madaxweynaha ayaa waxa uu xusay in haatan dadka somaliyeed looga baahanyahy garab istaaga walaalahooda dhibaateysan

Dhinaca kale Xukuumadda ayaa Nus Milyan Doolar u Qoondeysay Gurmadka iyo Samabata Bixinta Dadka Ay Saameeyeen Fatahaadda Degmada Afgooye