Sawirro: MW Lafta Gareen oo guddoomiyey shirka golaha amniga K/Galbeed

66

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha amniga maamulkaasi, kaas oo ay ka qeyb-galeen saraakiisha amniga Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa intii uu socday looga hadlay arrimaha ammaanka deegaanada Koonfur Galbeed iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada Sh/Hoose, Baay iyo Bakool.

Sidoo kale waxaa warbixino laga dhageystay saraakiisha amniga, taas oo la xiriirta howl-galladii ugu dambeeyey ee laga sameeyey deegaanada maamulkaasi.