Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa goor dhow magacaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada maamulkaasi.
Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa xil-kaas loogu magacaabay, Cabdullahi Cali Maxamed oo loo yaqaano Watiin.
Sababta is-bedalka loogu sameeyey agaasinka madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo dar-dar geliyo howlaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
