Laftagareen oo Hay’ado Caalami ah kala hadlay u gurmashada dadka Sh/Hoose

28

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Hoyga uu ka Deganyahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Mas’uliyiin ka socday Labbada hay’adood ee Bisha-cas Turkey iyo Diyanet.

Madaxda ka socotay labada Hay’adood iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii loogu gurman lahaa dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne laftagareen ayaa ka codsaday Madaxda ka socotay labada Hay’adood inay gurmad deg deg ah gaarsiiyeen dadka ka barakacay fatahaada degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoostaga.

HALKAAN KA DAAWO