Lafta Gareen oo hamblayo u diray Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya

48

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa soo dhoweeyey una Hambaliyey Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Lafta Gareen ayaa Ilaah uga rajeeyey Ra’iisul wasaaraha in Xilka culus ee loo igmaday uu u fududeeyo.

“Waxaan u hambalyaynayaa Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble. Waxaan ugu ducaynayaa in xilka weyn ee culus ee loo magacaabay uu ilaahay ku asturo. Waxaana u rajaynayaa inuu u guto xilkaas si xilkasnimo leh”. Ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.