Liiska Safiirro Cusub Oo Mar Kale La Horgeynayo Golaha Wasiirada

33

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay yeeshaan mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa, waxaana kulanka maanta dhici doona uu yahay mid xasaasi ah.

Golaha Wasiirada ayaa Maanta la horgeynayaa 15 safiir oo cusub, kuwaasi oo dowladda Soomaaliya u diri doonto waddamada Caalamka ee Dowladdu ku leedahay Safaaradaha, waxaana Golaha wasiirada lagu sugayaa in ay Ansixiyaan xubnahaan ama ay diidaan oo dib loo celiyo si wax ka beddel loogu soo sameeyo.