Ma ahan wax la qaadankaro Wixii  ka Dhacay garoonka Eng Yariisow Stadium kadib Guushii Xooga ahayd ee ay heleen Koxda Matalaysay G. Banaadir.

53

Ma ahan wax la qaadankaro Wixii  ka Dhacay garoonka Eng Yariisow Stadium kadib Guushii Xooga ahayd ee ay heleen Koxda Matalaysay G. Banaadir.

Fashilka iyo Falkii foosha xumaa ee ka dhacay Gudaha garoonka loogana gaystay dhaawacyo Kala Duwan Ciyaartooyda Xulka Kgs.

Wuxuu ahaa qorshe abaabulan loona Qorsheeyey si ka duwan sida hada ay wax u Dhaceen, markii aan qiimeeyey qaabka loola Dhaqmaayey taagyeeriyaasha Xulka Kgs ka hor Inta aysan bilaaban ciyaarta waxaa la duldhigay Ciidamo fara badan oo aan wiligood inta Ciyaaraha ay socdeen la keenin gudaha Garoonka waxaana dhamaantood la dul istaajiyey qaybta ay joogeen Taagyeeriyaasha Xulka Kgs, kuwaas oo lala damacsanaa hadii ay Badiyaan xulka Kgs in si ka duwan sida hada Wax u dhaceen loo galo.

Mohamed Ali Jinkey oo ka mid ahaa daawadayaashii ku sugaan garoonka  ayaa waxa uu ka sheekeeyay wiixi uu galabtaasi arkay waxaa uu yirii: “Aniga goob joog ayaan ahaa waxaana dhowr Jeer Kala Hadlay saraakiisha ciidankaas Hugaaminaysay in aysan sax ahayn waxaa ay Samaynayaan ayna ka daayaan caburinta iyo Caga Juglaynta taagyeeriyaasha Xulka Kgs ay Ku haayaan ciidanka ilaalinta Amni loo Keenay. Una Cadaalad falaan dhamaan taagyeeriyaasha Labada xul ee Banaadir & Koonfur Galbeed.”

Sidoo kale Mohamed Ali Jinkey ayaa waxa uu sheegay in arrintiisa aan laga jawaabin isla markana wiixii ka dhacay Garoonka Ciyaaraha enjineer Yariisow ay ahaayeen fal xun waxana uu yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayay:” Taasi la igama dhagaysan mana la tixgin Cabashadeena Waxaana dhamaan Taagyeeriyaasha Xulka Kgs lagu haayey Cadaadis aysan xamilikarin inta ay socotay Ciyaarta ayaa hadana markii ay dhamaatay Looga Jawaabay Xabado taas oo sababtay Dhibaatooyin & Dhaawacyo Culus oo ay soo Gaartay taagyeeriyaasha  Xulka Kgs”.

Ugu dambeyntii natiijadii ka dhalatay ayaa waxa ay noqotay sidaan  waxaa si bareer ah oo aan ganbasho Lahayn loo weeraray Ciyaartooyda Xulka Kgs.

Arrinta dad badan oo soomaaliyed ay la yaabeyn ayaa waxa ay noqotay falkaasi markuu dhacay jawaab celintii uu sameeyay Maamulka Gobolka Banaaadir

Waxaana jawaab Weerarkaas lagu taageerayo Bixiyey Gudomiye Ku Xigeynka Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Banaadir Cali Yare Cali Oo Bartiisa soo dhigay fariin jees jees Ah, Si aan Ganbasho Lahayn ugu taagyeerey falka meesha Ka dhacay.

Taageerayaasha madaxda dowlada Koonfur Galbed iyo dhamaan bulshada reer koonfur galbeed ayaa waxa ay dalbanayaan in hadii aysan Jawaab iyo Xog sax ah Laga keenin arintaas laamaha Amniga Garoonkana keenin Natiijo la aqbalikaro

Waxaan dhacdadaasi loo  aqoosanahay qorshe Xalis ah oo ku tala gal ah mana ahan wax ku eg Taagyeeriyaasha oo Keli Ah.

Maamulka Koonfur Galbeed Gaar Ahaan Wasiir dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Hon Ibrahim Adan Ali  Najah oo ka hadlay dhacdaaasi ayaa ku tilmaamay wax aan la  Aqbali karin lagana tanaasulidoonin  Arintaan dhibka so gaaray Taagyeeriyaasha & Ciyaartooyda Xulka Kgs.