Maalinta Caalamiga Ee La Xisaabtan La’aanta Dadka Dhibka U Gaysta Wariyaasha, Oo Muqdisho Lagu Qabtay.

22

Labadda Bisha November Sanad kastaa caalamka waxa laga xusaa Maalinta Caalamiga Ee Dhameynta Tacadiyada Ka Dhan Ka Ah Warfidiyeenka.

Munaasabadda sannadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Soo Afjaridda Ciqaab La’aanta Kuwa Geysta Dembiyada Ka Dhanka ah Saxafiyiinta, adduunku, oo ay warbaahintu ka mid tahay, wuxuu wajahayaa caqabad cusub: oo ah COVID-19.

Guud ahaan  wadanka Soomaaliya Waxaa Lagu Dilay Suxufiyiin Muhiim ahaa  kuwaasi oo  Howlahooda Shaqo ku guda Jiray  

Tirade ugu badan ayaa lagu dilay Soomaaliya Saxafiyiinta  ee  Afar Sano Laga Soo Bilaabo Intii U Dhaxeesay 2017 Illaaa 2020.

Iyadoo Siyaabo Kala Duwan Dacadiyo Loogu Geesanayay Sidookale Ma Jiraan Ilaa Hadda Cid Iska Weydiisa Sababta Loo Dilay Hadane Cadaalad Ma Helin Wariyaashaasi…..

Dhinaca kale Cudurka safmareenka ah si gaar ah u muujiyay arrimo cusub oo halis ku ah saxafiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta, xataa iyadoo ay korodhay tirada weerarrada lagu hayo badqabkooda jir ahaaneed. Waxaa dhacay ugu yaraan 21 weerar oo lagu qaaday saxafiyiin wararka ka soo tebinayay dibadbaxyo horaantii sannadka 2020 – taasoo la eg tirada weerarradaasi oo kale ee dhacay sannadkii 2017 oo idil.

Sidoo kale waxaa  jiray xakamayn dheeraad ah oo lagu sameeyay shaqada saxafiyiinta, oo ay ka mid yihiin in lagu handado maxkamadayn, soo qabasho, xabsi, in loo diido inay gaaraan goobihii ay shaqada saxafinimo ka qaban lahaayeen iyo in baaritaan lagu sameyn waayo lana maxkamadayn waayo kuwa geysta dembiyada iyaga ka dhanka ah.