Maamul cusub oo loo magacabay degmada Afgooye ee SH,HOOSE

120

Ka-dib soo jeedin ka timid gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abukar Abdi ayaa guddoomiyaha Degmada Afgooye u magacaabey Mudane Aweys Abdullahi Cumar (Aweys Buulaloow)

sidoo kale wasiirka ayaa xilka ka qaadey Guddoomiyihii hore ee degmada Mudane Ibraahim Cumar Qaasim,

Gudoomiye Najah ayaa faraya qeybaha kale ee maamulka in ay si daacadnimo ah ula shaqeeyaan gudoomiyaha cusub lana dar-dargeliyo shaqada loo hayo bulshada.

Magacaabistaan cusub ayaa waxa ay qeyb ka tahay dib u habeynta dhanka maamulka gobolka Shabeeladda Hoose uu ka wado gobolka si bulshada loogu adeego .

Mudane Madaale gudoomiye Najah ayaa u rajeeyay mas’uulkaan cusub in xilka loo magacabay in uu Alle u fududeeyo.