Maamul Goboleedyo Magacaabay xubnaha ku metelaya Guddiga Farsamada ee Shirkii Dhuusamareeb

48

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa Magacaabay xubnaha ku metelaya Guddiga farsamada ee dhawaan Madaxda Dowlada Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ku heshiiyeen inay ka soo shaqeeyaan hannaanka Doorashooyinka la filayo inay ka dhacaan dalka 2020/2021.

Wareegtooyin kasoo  kala baxay Madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu Magacaabay laba-laba xubnood ee Maamuladaas ku metelaya Guddiga Farsamada.

Xubnaha Puntland ku metelaya Guddiga ayaa waxaa ay kala yihiin Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale xubnaha Jubbaland ay soo Magacaawday ayaa kala ah Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Ugu dambeyn Madaxweyne Waarev ayaa Magacaabay laba xubnood oo kala ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Maxamed Cali Caadle iyo Madaxa Xafiiska Amniga Dowladda Hirshabelle Cabdi Maxamed Faarax Makaraan.

Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay soo Magacaabaan xubnooda ku metelaya Guddiga, halka sidoo kalena lasoo Magacaabay xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo RW Kheyre.