Agaasimaha wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mustaf Sheikh Abdullahi iyo Abdirizak Yare Mohamed lataliye sare ee wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyey Maamulada gobolada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed oo wasaaradda Arrimaha gudaha ku cazuuntay shirka ka dhacaya Baydhabo,
Shirkan ayaa waxa looga hadli doonaa hormarinta Degmooyin Koonfurgalbeed iyo sidii wax looga qaban lahaa kaabayaasha dhaqaalaha Bulshadda
Shirkan ayaa waxa ka qeyb geli doono dhamaan Mas’uuliyiinta Seddexda Gobo lee Dowlad Goboledak Konfur Galbeed ay ka koobantahay sida Goboladda Bay Bakool Iyo Shabeeladda Hoose
Shirkan ayaa waxa soo agaasintay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.