Maamulka Baraawe oo soo saaray amar ku socda Shacabka.

44

War ka soo baxay Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa amar lagu siiyay dadka degan goobaha Danta guud gaar ahaan Xarumaha Dowladda in ay kaga guuraan si deg deg ah.

Warka Qoraal ah ee kasoo baxay Guddoomiyaha degmada Baraawe Cumar Sheekh Cabdi Shafana ayaa lagu amray dadka degan dhulalka danka Guud ee dowladda in muddo 30 Cisho ah uga guuraan si loogu adeego Bulshada degmada Baraawe

Dhinca kale Guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa amray dhamaan laamaha Amniga degmadaas inay ka Shaqeeyaan sidii Dhulalka Dowladda dadka degan  looga saari lahaa.

Sidoo kale maamulka degmada ayaa u soo jeediyay dhamaan shacabka in ay u hogaansamaan amarka Maamulka.

HALKAN KA AKHRISO.