Maamulka Cusub ee deegaanka Jaziira oo maanta kormeeray Deegankaasi

114

Maamulka Cusub ee dhawaan loo magacaabay deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeelada Hoose ayaan maanta Kormeer shaqo ku tagay Deegaankaasi

Maamulkaaan ayaa halkaasi kula kulmay odayaaasha deegaanka,Dhalinyarada iyo Ciidmada Harmcad ee jooga Deegaankaasi,

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada deegaanka Jaziira maxamed shuqule maxamed yo guddomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyada xuseen jilacoow maxamud oo komeerka maanta deegaakaasi ka sameyey ayaa waxay balan qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan adeegyada Bulshada ay u baahanyihin waxayna sidoo kale sheegeen in xooga la saaridoono amniga Deegaanka Deegaankaasi Jaziira

Deegaanka Jaziira ee Gobolka Shebeelada Hoose ayaa waxaa mudooyinkii dambe ka jiray shaqaaqooyin soo laa laabtay kuwaasi oo sababay in ay yaraadaaan dalxiisayaasha kala duwan ee u dalxiis taga Deegaankaasi,


Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose Ibraahim Aadan Ali najah ayaa asbuucii tagay maamul cusub u magaacabay deegaanka jaziira waxaana isla markiiba deegaanka laga dareemay xasilooni

NAJAH MEDIA NETWORK