Maamulka Deeeganka Janaale ee Gobolka SH/ HOOSE Oo bilaabay dib u dhiska xafiisyada Deeegaankaasi.

61

Maamulka Deeeganka Janaale ee Gobolka shabeelada hooose ayaa  bilaabay  dib u dhiska xafiisyada  Deeegaankaasi, kadib markii dhawaan uu dhagax dhigay Gudoomiyaha  Gobolka shabeelada Hoose Ibrahim Adan Ali Najah.

Gudoomiyaha  deegaanka Janaale  cabdiraxman Yusuf Al-cadaala  oo kaashanaya Ku xigeenadiisa ee arrimaha Bulshada Siyaasadda  iyo amniga ayaa si rasmi ah u bilaabay dib u dhiska  Xaruunat uu ku shaqeyn doono Maamulka Deegaanka Janaale  ee Gobolka Shabeeladda Hoose .

Gudoomiyaha deegaanka Janaale Oo ka hadlay Goobta ayaa waxa uu  mahad celiyay Madaxweynaha Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya  cabdi Casiis Maxamud Lafta Gareen iyo Gudoomiyaha  Gobolka shabeelada Hoose Ibrahim Adan Ali Najah doorka ay ka qaataan in dib u dhis lagu sameeyo Xaruunat Maamulka Deegaanka Janaale

Sidoo kale Cabdiraxman Yusuf Al-cadaala  ayaa waxaa uu Codsaday in sidoo kale dib loo dhiso Xaruunta Saldhiga janaale  oo ah mid Butr bursan si bulshada deegaanka Loogu adeego .

Deegaankaan Janaale ayaa waxaa  laga Xureeyay Muddo Hadda laga Joogo 7-Bilood Maleeshiyadda Al-shabab oo dhibaato Ku heysay shacaka Janaale .

Deegaankan ayaa waxa uu ka mid yahay goobaha uu Mamaulka Gobolka  Shabeeladda Hoose ka hir geliyay Adeegyadda Bulshadda Sida Waxbarashada  Caafimaadka Iyo Sugida Amaanka Guud ee deegaanka Janaale .