Maamulka deg.Afgooye oo tababar u qabtay bulshada Basra

26

Maamulka Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa maanta soo Gabagabeeyay Siminaar looga Hadlayay Xalaadada Deegaanka Basra.

Siminaarkan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay Rag iyo Dumar kasoo jeeda Deegaanka Basra ee Degmada Afgooye.

Siminaarkan waxaa uu socdey Mudo Sedax Maalmood ah iyadoona waxbadan laga fahmey Deegaanka Basra oo kamid ah deegaanada ugu Qadiimsan Degmada Afgooye.

Ka qeybgalayaasha siminaarkan ayaa waxaa ay sheegeyn in ay wax badan ka faa’iideyn isla markana ay wax badan ay ka barteen deegaanka Basra.