Maamulka degmada Afooye oo go’aan ka soo saaray Canshuurta Suuqa Geela.

30

Maamulka Degmada Afgooye ayaa Awaamiir kasoo Saarey Canshuurta Laga qaado suuqa Geela.

Kadib kulan maanta Xarunta Degmada Ay ku yeesheen Xubnaha Maamulka Degmada oo uu shir Gudoomiyay Gudoomiyaha Degmada anha duqa magaalada mudane Aweys Abdullahi Omar(Buulalow) ayaa lagu gu’aamiyay in Canshuurta Laga qaado suuqa geela ay qaadi doonto Dowladda hoose ee Degamada Afgooye.

Kulanka waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka Amniga Degmada mudane Mahdi Ahmed Hassan Gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada Degmada Abdullahi Hassan Abdi iyo Talisyadda Booliiska minishiibiyada Iyo Canshuuraha ee degmada Adgooye.

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Ayaa shaqaaalaha Maaliyadda la Wadaagay In shaqooda ay gutaan Canshuurtana Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya maamulka uu wakiil kaga yahay Degmada Afgooye.