Maamulka Degmada Baraawe oo kormeeray Xarumaha adeega Bulshada ee degmada.

40

Guddoomiyaha Degmada Baraawe ee gobolka shabeeladda Hoose Mudane Cumar Sheekh Cabdi (Shafaana) oo ay wehlinayeen wafdi ka socda Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka Biyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo uu ugu horeeyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Jeylani Abdullahi Hajji ayaa kormeer isugu jirey booqasho iyo Qiimeyn waxa ay ku tageen  Goobaha Korantada iyo Biyaha ee Degmada Baraawe ee Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Ujeedka booqashada Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha KGS iyo Duqa Degmada Baraawe waxa ay Aheyd u kuurgelida baahiyaha dhinaca Biyaha iyo korontada ee kajira Xarumaha Danta Guud ee Degmada Baraawe

Mas’uuliyiintaan ayaa sidoo kale waxa ay booqasho kormeer ah waxa ay ku tageen  Cisbitaalka guud ee Degmada,iskuulaadka Waxbarashada iyo kaamamka bara kacayaasha ee ku soo barakacay degmada Baraawe ee xaruunta Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu waddaa Qorshayaal balaran oo lagu horumarinaayo kaabayasha dahqaalo iyo tan bulsho ee Magaalada Baraawe oo ay ka mid yihiin Xaruumaha bixiya adeegyadda Korontada Ceelasha Biyaha iyo xaruumaha Caafimaadka iyo kuwa Waxbarashadda degmada Baraawe .