Maamulka Degmada Baydhabo Oo Casho Sharaf U sameeyey Xulka Cayaartoyda KGS

43

Maamulka Degmada Baydhabo ayaa Casho Sharaf Usameeyey Cayaartoyda xulka kubada cagta ee KGS kuwaasi oo ka qeeyb galay tartanka maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo dhawaan lagu soo gabagabeyey magaalada Muqdisho .

Casho Sharaftan Oo Uu soo qaban qaabiyey Maamulka Degmada Baydhabo ayaa Waxaa Kasoo qeybgaley Wasiirada Wasaaradaha Dhalinyaradda iyo Cayaaraha KGS , Arimaha Gudaha , Qorsheynta , Cadaalada , Beeraha , iyo Taliska Ciidan Police ka Gobolka Baay .

Dhamaan Madaxdii Halkaas Kahadashay ayaa waxa ay Cayaartoyda KGS Uga Mahad Celiyern Dadaalkii ay uga qeybgaleen Cayaarihii Maamul Goboleedyada iyo Bandhigii ficnaa ee ay soo bandhigeen Waxaana ay balanqaadeen in xili kasta ay Garab taagnaan doonaan Cayaartoyda.

Wasiirka Wasaraada dhalinyarada iyo Ciyaraaha Koonfur galbeed Ibrahim Adan Ali Najah ayaa sanadkaan dhiiragalin iyo garab istaag weeyn u fidiyey ciyaartooyda Kgs taasi oo keentay in xulka KGS ay sanadkaan meel wacan kagaaraan tartankii lagu qabtay Muqdisho

Ciyaartooyda mataleysay xulka Koonfur-galbeed somaliya ayaa sanadkaan wacdaro ka dhigay tartanka maamul goboleedyada ayagoo soo bandhigay ciyaaro ay aad u jecleysteen taageerayaasha KGS