Maamulka G/Bakool oo Booqday Dhul Beered Daadad Waxyeello Gaystay Ku Soo Rogmadayn.

34

Daadad ku soo rogmaday dooxyo ka samaysmay agagaarka wadada aadda dhanka waqooyi ee Magaalada Xuddur ee gobolka bakool ayaa si joogto ah saamayn wayn ugu yeesheen dhaq dhaqaaga ganacsiga, tacbashada beeraha, isu socodka gaadiidka iyo dadwaynaha bulshada ku nool xaafada Buulow ee hoostagta Degmada Xudur .

Saameynta  daadadka  ku soo fatahay  waxa aad looga dareeymayaa maciishada cuntada quutul daruuriga oo cirka isku shareertay xiligaan .

Inka badan saddex kun oo qoys oo ku nool xaafada Buulow  ayaa  guryahooda kabarakacay iyadoo  cuduro ka ddilaacay oo ka dhasha biyaha.

Beeralayda qudaarta soo goosato ayaa  daadadka kala tagaan dalagii ay sanadkaan  beerteen ,waxana ay taasi keentay in beeraley badan ay qasaaro ka soo gaarto iyadoo qaar  ka mid ah beeralayda iyo ganacsatada deegaanka ayaa barakacay  xaafada Buulow .

 Waxgaradka Ku nool Xudur  ayaa maamulka gobolka Bakool ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ay ku qabaan roobabka daadadka wata ee beerahooda dhibaatada u gaysta.

Maamulka Gobolka Bakool iyo kan deagmada Xuddur oo ka duulaya codsiga bulshada iyo caqabadaha jira ayaa kormeer ku tagay boholaha biyaha keena oo xiligaan aad looga cabsiqabo in biyo bax sameeyaan, waxayna baaq u direen dowlad goboleedka Koonfur Galbeed dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha deeq bixiyaasha in ay gacan ka siiyaan sidii biyahaan xal loogu raadin lahaa.

Deegaankaan ayaa waxaa si aad ah looga dareemaya samaeyn ay ku yeesheeyn  Fatahaadaha ku dhuftay dhul beeraadkaan