Maamulka G/Banaadir oo ka hadlay dhacdo dad isku qoyska ah lagu dilay

175

Iyadoo xalay nin hubeysan uu weeraray qoys degaana xaafadda Igadaba geey oo ka tirsan tabeelaha Sheekh Ibraahim ee deegaanka garasbaaleey ayaa arintaasi waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ninka weerarka gaystay oo la sheegay in uu xidid la ahaa qoyska uu weeray oo uu ka qabay gabar ayaa la tilmaamay in uu dilay 4 ruux halka uu dhaawac u geystay 5 kale, wallow maanta qof kamid ahaa dadka dhaawac ahaanta loo so qaaday Muqdisho uu u geeriyoday dhaawacii soo gaaray.

Malar Sheekh Xasan Yoonis oo ka mid ah ehelada dadka dilka iyo dhaawaca loo gaystay oo lahadlay idaacadda risaala ayaa waxa uu sheegay in ninka dhacdadaan geystay uu horay u dilay gabar xaamilo ahayd oo la dhalatay xaaskiisa xalayna dadkaasi isku qoyska ahaa uu dilay.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada deegaanka Garasbaaleey Muxudiin Axmed Yuusuf ayaa waxa uu sheegay in ciidamada booliska howlgal ay sameeyeen ay ku soo qabteen qoraykii lagu weeraray dadkaasi shacabka ahaa waxa uuna sheegay ninka weerarka geystay in xirnaa dharka dumarka.

Ninkaan weerarka gaystay oo lasheegay in uu ahaa harqaale dharka tola ayaa tirada dadka uu dilay waxa ay yihiin laba Haween oo xaamilo ahaa , 2laba caruur ah iyo laba rag ah oo waayeel ahaa, iyadoo 4 ruux uu dhaawacayna ay jiifaan isbitaal.