Maamulka G/Banaadir oo soo saaray Amar ku socda Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

53

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlaayay u diyaar garoowga xuska Maalmaha Xorriyadda ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay sugida Amniga Caasimada iyo Bilicda Magaalada, iyadoona laga soo saaray Awaamiir ku socoto Maamulada Degmooyinka si ay shacabkooda u gaarsiiyaan in Maalmaha Xorriyadda si weyn loo weyneeyo.

In guryaha saaran Laamiyada la rinjiyeeyo lana Naleeyo, In Calamada Astaanta Qaranka la suro isla markaana cidkasta ay Nadiifiso horteeda, gaar ahaan goobaha danta guud, arrintaan oo qeyb ka ah weyneynta Maalmaha Xorriyadda Soomaaliyeed ee 26 june iyo 1da Luulyo 2021.

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta dowladdaha Hoose ee Xamar ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiisha Laamaha Amaanka qeybahooda kala gedisan, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo ku-xigeenada Maamulka Gobolka.