Maamulka G/Sh.Hoose oo deeq gar gaaar ah gaarsiiy Degmada Afgooye+Sawiro

64


Maamulka Gobolka Shabelada hoose oo uu ugu horeeyo gudoomiyha Gobolka Mudane Ibraahm Aadan Ali (Najah) ayaa deeq gar gaar ah gaarsiiyey dadkii uu saameyey fatahaada Wabiga Shabeele,

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in maanta ay bilaaben qeeybta wajiga koowaad ee deeqda gargaarka oo la gaarsiiyey in kabadan
1,000(Kun Qoys),

Gudoomiye Najah oo ka hadlay goobta ay ku qeeybiyeen deeqda gargaaarka ah ayaa yiri

“Wajiga koobaad ee qeybinta Gargaarka ayaa maanta u qeybinay 1.000(Kun Qoys) oo ay saameysay fatahaada wabiga Shabelle ee Afgooye, si nabad ah ayeey ku qaateen”

Gudoomiyaha gobolka oo ay wehliyaan Masuuliyiin ka socota Koonfur Galbeed Somaliya ayaa waxay balan qaadeen in ay sii wadi doonaan qeybinta Gargaaarka lagaarsiinayo qooysas badan oo ku nool Degmada Afgooye kuwaasi oo saameyn weeyn ay ku yeehseen biyaha fatahaaada Wabiga Shabeele,

Mudnae Ibraahim Aadan Ali Najah gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ayaa dhinaca kale sheegay in ay sii wadi doonaan kawarqabka dadka walaaleheen ah ayna la socon doonaan xaalaadooda Wuxuuna carabka ku dhuftay in maamulka Gobolka uu haatan dadaalkooda ugu badan isugu geeyn doonoo sidii loogu gurman lahaa shacabka ree Afgooye,

“Waxaan si dhaw ula soconaa dadka ay saameesay fatahaada innagoo dadaalkeena iskugu geenay sidaan Gurmad dag dag ah u gaarsiin lahen Muwaadiniinta ka barakacay guryohooda,


Degmada Afgooye oo katirsan Gobolka Shabeelada Hoose ayaa fatahaad uu sameeyey wabiga shabeele waxay sabatay in qoysas badan ay ka barakacaan guryohoda